MUQDISHO (KAAB TV) Talaabo naxdin leh ayaa dowladaha Mareykanka iyo Kenya waxaa lagu eedeeyay in ay wax u dhimayaan ammaanka Soomaaliya, gaar ahaan xilli dowladda Soomaaliya ay wado dadaallo lagu doonayo in looga adkaado kooxda Al-Shabaab.
Eedeyntan ayaa imaanaysa iyadoo ay sii kordhayaan walaaca laga qabo amniga dalka iyo cawaaqibka ka dhalan kara ka bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).
Madaxweyne William Ruto ayaa dhawaan sheegay in haddii ATMIS ay ka baxdo Soomaaliya in Al-Shabaab ay la wareegi doonto dalka, taasoo muujineysa sida Mareykanka uu uga caga jiidayo in uu taageero dadaallada amniga Soomaaliya. Tani waxay keentay in lagu eedeeyo Mareykanka iyo Kenya inay doonayaan inay waxyeeleeyaan ammaanka Soomaaliya.
Col. Cabdi Aadan Barre oo horay u soo noqday sarkaal ka tirsan ciidamada milateriga, haddana ah khabiir dhanka ammaanka ah ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay ka feejignaato khataraha amni ee uga imaanaya Mareykanka iyo Kenya.
Waxa uu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dowladdu ay gacanta ku dhigto amniga dalka, isagoo soo jeediyay in dhaqaalaha hadda loo qoondeeyay ATMIS ay si wanaagsan uga faa’ideysan karaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Soomaaliya oo ah dal ka soo kabanaya colaado iyo burburkii soo maray ayaa waxa ay maraysaa meel xasaasi ah. Iyadoo la qorsheynayo in ciidamada ATMIS ay dalka ka baxaan dhamaadka sanadkan ayaa la filayaa in dowladda ay la wareegto amniga guud ee dalka.
Si kastaba ha ahaatee, Al-shabaab ayaa weli ka talisa deegaanno badan oo Soomaaliya ka tirsan, kuwaasoo khatar weyn ku ah xasilloonida dalka.
Eedeymaha ka dhanka ah Mareykanka iyo Kenya ayaa hoosta ka xariiqaya xaaladda cakiran ee amniga Soomaaliya iyo caqabadaha ay dowladda kala kulanto dadaalka ay ugu jirto sidii looga adkaan lahaa Al-Shabaab.
Marka uu waddanku marayo caqabadahan, doorka saaxiibada caalamiga ah iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka ayaa muhiim u ah helitaanka ammaan iyo xasillooni waarta.

