SO | EN

SO | EN

Hogaamiyaha Khaatumo oo ku baaqay in aqoonsi buuxa laga siiyo dowladda federaalka Soomaaliya.

|

Nairobi (KAAB TV) -Hogaamiyaha maamulka SSC – Khaatumo, C/qaadir Axmed Aw Cali Firdhiye, ayaa sheegay inay ka codsanayaan dowladda federaalka Soomaaliya inay aqoonsi buuxa siiso maadaama uu weli ku jiro maamul KMG ah.

Firdhiye ayaa sheegay in jiritaanka maamulkiisa uu muhiimad weyn u leeyahay midnimada dalka, lagana hortago rabitaanka gobolada Waqooyi maadaama midnimadu tahay horumar.

Somaliland, oo ka go’day dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa dadaal ugu jirtay sidii ay aqoonsi caalami ah u heli lahayd, inkastoo aan la aqoonsanin caalamka.

“Waxaan wadahadal la galnay dowladda federaalka. Waxaan balan qaadnay in aan ka qeyb qaadaneyno midnimada iyo madax banaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana isku afgaranay in la dhameystiro arrimaha maamulka ee harsan, dowladda federaalkana waxa ay noo balan qaaday in ay na siineyso xuquuqdeena dastuuriga ah ka maamul ahaan ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya” ayuu yiri firdhiye.

Firdhiye oo ah hogaamiyaha SSC-Khaatumo ayaa taariikhda galay ka dib markii uu markii ugu horeysay ka qeyb galay shirka golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka, taasi oo ah tilaabo wax ku ool ah oo loo qaaday isku dhafka iyo wada hadalka dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada Soomaaliya.

Firdhiye oo khudbad ka jeediyay golaha ayaa ku dheeraaday xaalada guud ee deegaanada SSC-Khaatumo iyo u ololaynta xuquuqda dastuuriga ah ee maamulkiisa uu ku leeyahay dowladda dhexe ee Soomaaliya. Wuxuu ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay midnimada iyo iskaashiga dhammaan dhinacyada ay khuseyso si loo horumariyo danaha SSC-Khaatumo loogana qayb qaato midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Hogaamiyaha SSC ayaa u sheegay dowlada Federaalka inay doonayaan inay ilaaliyaan jiritaanka maamulkooda si loo ilaaliyo midnimada dalka. Waxa uu tilmaamay in ay habeen iyo maalinba difaac uga jiraan koox uu sheegay in ay doonayaan in ay wiiqaan midnimada iyo horumarka Soomaaliya.

Hadalkan ayuu hogaamiyaha SSC Khaatumo ka sheegay mar uu la hadlayay Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya oo uu booqasho ku joogo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News