Nairob (KAAB TV) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa goor dhow ka qayb galay shirka 21-aad ee heer wasiir ee hay’adda iskaashiga Geeska Afrika oo lagu qabtay magaalada Nairobi.
Isu imaatinka saddexdii biloodba mar waxa uu ujeedadiisu ahayd in dib u eegis iyo qiimayn lagu sameeyo halka ay marayaan mashaariicda socda ee ay maalgaliyeen deeq bixiyayaasha kala duwan tan iyo 2019, iyada oo la hubinayo hufnaanta fulintooda.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay nidaamka iskaashiga xuduudaha, iyadoo warbixin ay soo jeediyeen guddiga loo xil saaray ansixinta sanadka 2023-ka.
Madashu waxay soo dhawaysay deeq bixiyayaasha cusub ee u heellan inay taageeraan himilooyinka horumarineed ee dalalka Bariga Afrika, iyadoo la sii xoojinayo dadaallada iskaashiga gobolka.
Wasiir Igeh ayaa khudbadiisa ku nuux nuuxsaday muhiimada is dhexgalka gobolka uu u leeyahay dhaqaalaha Soomaaliya, isagoo muujiyay sida uu u kobcin karo wax soo saarka gudaha iyo guud ahaan kobaca dhaqaalaha.
Waxa uu carabka ku adkeeyay in sida wanaagsan ee loo dhaqan galiyay qorshayaashii Madasha Iskaashiga Geeska Afrika ay Soomaaliya u keenayso faa’iidooyin dhaqaale oo la taaban karo.
Hindisaha Geeska Afrika, oo la aasaasay sanadka 2019, wuxuu ujeedkiisu yahay in kor loo qaado isdhexgalka dhaqaale iyo horumarinta gobolka iyada oo loo marayo mashaariic iyo hindisayaal kala duwan.
Shirarka wasiiradda ee saddexdii biloodba mar la qabto waxay u adeegaan sidii madal ay dalalka xubnaha ka ah dib u eegis ugu samayn lahaayeen horumarka, ugana doodi lahaayeen caqabadaha jira, iyo qorshaynta iskaashiga mustaqbalka.
Ka qeyb galka Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ee kulankan heerka sare ah ayaa hoosta ka xariiqay sida ay dalka uga go’an tahay iskaashiga gobolka iyo sida ay uga go’an tahay in laga faa’ideysto fursadaha uu soo bandhigay Hindisaha Geeska Afrika si loo dhaqaajiyo kobaca dhaqaalaha iyo horumarka.