MOGADISHU (KAAB TV) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa la kulmay dhiggiisa Turkiga Yaşar Güler intii lagu guda jiray Munaasabadda EFES-2024 ee Maalinta Korjoogteynta Sharafta leh oo i lagu qabtay Izmir.
Wasiirada ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka difaaca ee labada dal.
“Walaalaheena Turkiga waxa ay kaalin weyn ka qaataan dhismaha ciidankeena, horumarinta, iyo la dagaalanka Khawaarijta” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.
Bandhiga Alaabooyinka Warshadaha Difaaca ee Maajo 29-30 ayaa soo bandhigi doonta alaabada 47 shirkadood oo difaaca ah.
Dhoolatusku waxa uu u sahlayaa wadamada ka qayb galaya in ay indhahooda ku arkaan awooda warshadaha difaaca ee Turkiga, kuwaas oo horumariya soona saaraya habab kala duwan , sida diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwa qumaatiga u kaca, maraakiibta dagaalka, rasaasta, iyo hababka dagaal ee elektarooniga ah, nidaamka raadaarka, kuwaas oo dhamaantood u adeegaya ciidamada amaanka. .
Dhoolatuskan oo ay ka soo qayb galayaan in ka badan 1,500 oo shaqaale ajaanib ah oo ka kala socda 50 wadan, oo ay weheliyaan ciidamada qalabka sida ee Turkiga, ayaa waxa ka qayb qaadanaya 11,000 oo askari.