Mogadishu (KAAB TV) – War-saxaafadeed uu soo saaray xisbiga Himilo Qaran ee xisbiga mucaaradka ah ee Soomaaliya , ayuu ku sheegay inuu aad uga walaacsan yahay xannibaadaha iyo cadaadiska isa soo taraya ee ay kala kulmaan warbaahinta madaxa bannaan iyo suxufiyiinta dalka soomaliya.
Xisbigu wuxuu iftiimiyay xuquuqda dastuuriga ah ee saxaafadda iyo suxufiyiinta, isagoo soo qaatay qodobbada 18 iyo 32 ee dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuwaasoo dhowraya xuquuqdooda.
Hadalkan ayaa imaanaya kadib markii warbaahinta gudaha ay cambaareeyeen waxa ay ku tilmaameen “cabsi gelinta iyo hab dhaqanka faafreebka” ee dowladda federaalka kadib markii golaha wasiirada ay ansixiyeen waxa loogu yeero Golaha Warbaahinta Qaranka.
Hadalka xisbiga mucaaradka ayaa hoosta ka xariiqaya muhiimadda ay leedahay in la dhowro xuquuqda dastuuriga ah ee warbaahinta iyo suxufiyiinta, iyadoo xoogga la saarayo doorka ay ku leeyihiin bulsho dimuqraadi ah.
Mawqifka xisbiga mucaaradka ah ee arrintan ayaa ka tarjumaysa walaaca ballaadhan ee laga qabo xaaladda xorriyadda saxaafadda ee Soomaaliya. Dalka ayaa waxaa soo wajahay caqabado ku aadan xaqiijinta ilaalinta suxufiyiinta iyo madax-banaanida saxaafadda, iyadoo laga soo sheegayo cagajugleyn iyo faafreeb lagu hayo shaqaalaha warbaahinta iyo madaxda mucaaradka.
Sanadihii u dambeeyay, dowladda Soomaaliya ayaa lagu dhaliili jiray sida ay u maareyso xorriyadda saxaafadda, iyadoo dhacdooyinka suxufiyiinta la xiro, la dhibaateeyo, iyo xitaa la dilo. Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah ayaa marar badan ku baaqay in la ilaaliyo suxufiyiinta, lana horumariyo xorriyadda saxaafadda ee dalka.
Hadalka xisbiga mucaaridku waxa uu xasuusinayaa muhiimadda ay leedahay in la dhawro mabaadi’da warbaahinta xorta ah ee madaxa bannaan, taas oo lagama maarmaan u ah dimoqraadiyad shaqaynaysa. Baaqa xisbiga ee ilaalinta xuquuqda warbaahinta iyo saxafiyiinta waxa uu la jaan qaadaya is-afgaradka ballaadhan ee caalamiga ah ee ku aaddan muhiimadda ay xorriyadda saxaafadda u leedahay horumarinta hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo ku dhaqanka sharciga.
Iyadoo xaaladda Soomaaliya ay marba marka ka danbeysa sii xumaaneysa ayaa waxaa muhiim ah in dowladda ay wax ka qabato cabashooyinka ay soo jeedinayaan mucaaradka iyo warbaahinta gudaha. Ilaalinta xuquuqda warbaahinta iyo saxafiyiinta kaliya maaha waajibaad dastuuri ah laakiin sidoo kale waa qayb muhiim ah oo ka mid ah bulshada dimuqraadiga ah.

