QM oo Soomaalida ugu hambalyeysay diiran Ciidul Adxaa

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran oo ku aaddan munaasabaddan gaarka ah ee Ciidul Adxaa u diraysa dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

“Aniga oo ku hadlaya magaca guud ahaan bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaan dhammaantiin idin rajeynayaa oo aan idin leeyahay ciid wanaagsan, nabad iyo farxad ku ciida,” ayuu yiri Ku Simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabisan Soomaaliya, James Swan.

“Waxaan dadka Soomaaliyeed kala qeyb qaadaneynaa xuska maalintan barakeysan, taasoo dhiirigelin u ah xoojinta wadajirka, isu-dulqaadashada iyo xasilloonida guud ahaan dalka – waxaan idin leenahay Ciid Mubaarak iyo Ciid Wanaagsan!”

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News