Dowladda Federaalka oo Soomaaliya oo bilowday wadaxaajoodyo lagu xiraayo xafiiska UNSOM ee Muqdisho

|

Muqdisho (KAAB TV) – Kulan ay shalay yeesheen Guddi farsmo oo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya  iyo Guddi farsamo oo ka socda UNSOM ayaa waxaa looga wadahadlay wadaxaajoodyo hadda billow ah ayaa toddobaadyada soo socda sii xoogeysan doona, iyada oo labada Guddi looga fadhiyo in ay dejiyaan jadwal UNSOM looga wareejinayo howlaha ay ka fuliso Soomaaliya.

Sidoo kale, howlaha xafiiska siyaasadda Qaramada midoobay waxaa qaarkood la wareegi doonta Dowladda Soomaaliya, qaar kalena waxaa sii wadi doona Xafiiska Qaramada Midoobay ee kan beddeli doona oo ah mid la nooc ah xafiisyada QM ay ku leedahay dalalka caalamka badankood.

Dhanka kale, guddiga farsamo ee Soomaaliya oo ay xubno ka yihiin mas’uulyiin ka socda Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha, Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Amniga Qaranka, waxaa hoggaaminyay Danjire Yusuf Garaad Cumar, dhinaca UNSOM, inkasta oo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, Danjire James Swan uu khadka telefoonka New York uga qeyb galay, waxaa Hoggaamiayay George Conway oo ah ku Xigeenka Eregyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay.

Ugudambeyn, tallaabadani waxay astaan u tahay horumarka ay gaartay Dowladnimada Soomaaliya, iyada oo sannadka soo socda ee 2025 ay Soomaaliyaa xubin ka noqon doonto Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News