DEG DEG: Qarax xoogaan oo Goor dhow ka dhacay Magaalada Baladweyne.

|

Baladweyne (KAAB TV) – Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa daqiiqo kahor ka dhacay qarax xooggan.
Jugta qaraxa ayaa siweyn looga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Baladweyne, waxaana qaraxa kadib xigtay rasaas tiro badan oo isku daba-dhacday.

Uuro madow ayaa cirka isku shareertay, ciidamo farabadan ayaa durbadii isku gadaamay aaga uu qaraxu dhacay ee xaafada howlwadaag ee magaalada baladweyne.

Qaraxa Ayaa Kadhacay Xaafada Howl-wadaag Ee Baladweyne Gaar ahaan Xerada Jabuuti.

Weli lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxa ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

 

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News