Garowe (KAAB TV) – Maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa ku guuleystay in la kala dhex dhigo labo maleeshiyo beeleed oo walaalo ah, si loo dhaqan geliyo xabad joojinta, si loo soo afjaro dagaal dad badan ku dhinteen oo ka dhacay gobolka Mudug.
Wasiirka Amniga Galmudug Maxamed Aadan Gaboobe ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in ciidamo ka tirsan Madaxtooyada Galmudug la geeyay goobihii lagu dagaalamay. Waxa uu intaasi ku daray in ciidamo ka tirsan Madaxtooyada Puntland lagu wado inay ku biiraan ciidamada Galmudug si ay sharciga u fuliyaan, loogana hortago dagaal kale.
Labada beelood ayaa midkiiba soo xulay 13 oday dhaqameed oo soo dhisaya guddiyo nabadeed oo ka arrinsanaya sidii loo dhamayn lahaa colaadda ka taagan deegaanada galbeedka gobolka Mudug. Wasiir Gaboobe ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay xalinta colaada beelahaasi.
“Waxaan ka wada hadalnay in marka uu shirku dhamaado ay mas’uuliyadeeda qaadaan Maayarada labada maamul ee ka kala socda degmooyinka, ciidamadana la geeyo si ay gacanta ugu soo dhigaan dadkii dhibaatada geystay.” Ayuu yiri Wasiirka Amniga.
Dagaal beeleed todobaadkii hore ka dhacay ayaa sababay dhimashada ku dhawaad 30 ruux iyo dhaawaca in ka badan 50 ruux oo ka dhacay deegaan miyi ah oo u dhaxeeya Goldogob iyo Saax Qurun ee gobolka Mudug. Dagaalkan ayaa waxaa ku lug leh maleeshiyaad ka soo kala jeeda beelaha Sacad iyo Lelakase oo ka dhashay muran dhul.

