SO | EN

SO | EN

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Dr Maxamed Xaamud oo ku geeriyooday dalka Australia

|

Australia (KAAB TV) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha ha u naxriistee Dr. Maxamed Cali Xaamud oo ku geeriyooday Magaaladda Melbourne ee dalka Australia.

Sidoo kale, Aadan Madoobe ayaa sheegay in Allaha ha u naxriistee marxuum Dr Maxamed Cali Xaamud mudadii intii uu noolaa uu qeyb weyn oo muhiim ah kasoo qaatay dowlad dhiska Soomaaliya, sidoo kalena uu xilal kala duwan dalka kasoo qabtay dowladda.

“Innaa lillaah wa innaa ileehi raajicuun Illaahey ha u naxriisto Dr Maxamed Cali Xaamud oo runtii dalka taariikh weyn ku lahaa, door weyn oo oo muhiim ahna kasoo qaatay dowlad dhiska Soomaaliya, Rabbi SWT naxriistiisa jano haka waraabiyo dhamaan ehelada, qaraabada iyo guud ahaanba umadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan haka siiyo “, ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Dhanka kale, marxuum Dr. Maxamed Cali Xaamud oo muddo badan usoo shaqeyay dalkan soona qabtay xilalalka kala duwan ee dowladda isagoona mar soo noqday wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya waxa uuna ugudambeyn ku geeriyoday dalka Australia

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News