Joe Biden oo soo xushay Kamala Harris oo u ah kuxigeen in ay ku matasho doorashada soo socoto ee Mareykanka

|

New York (KAAB TV) – Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa shalay ku dhawaaqay in uu isaga haray tartanka doorashada Madaxweynaha , xilli muddooyinkii dambe uu saarnaa cadaadis siyaasadeed ,sidoo kale uu ku dhacay xanuunka Covid-19.

Sidoo kale, markii uu shaaciyay in uu doorashada isaga haray Joe Biden ayaa waxaa la filayaa in xisbiga Dimuquraadiga ah ay soo xushaan shaqsiga bedeli kara Joe Biden, si uu xisbigaasi ugu matelo doorashada la filayo in bisha November ka dhacdo Mareykanka.

Joe Biden ayaa taageeray lana raba in xilka Madaxweyne u tartanto Kamala Harris oo u ah hadda ku xigeen, waxa uuna muujiyay kalsoonida uu ku qabo Harris in xilkaasi u qalanto kana guuleysan karto musharaxa Jamhuuriga ee Trump.

Dhanka kale, Xisbiga Dimuquraadiga oo kulan degdeg ah isugu imaanaya ayaa ka arrinsan doona cidda ay u xulan doonaan in doorashada ku matesho, lamana oga in xisbiga ay Madaxweyne Joe Biden ku raaci doonaan in doorashada ku matesho Kamala Harris.

Ugudambeyn, doorashada dalka Mareykanka waxaa kaliya ka harsan muddo saddex bilood iyo maalmo, waxaana gudaha Mareykanka si weyn looga hadal hayaa go’aanka Madaxweyne Biden ku shaaciyay in gabi ahaan doorashada isaga haray kaddib xanuuno iyo cadaadis isugu darsamay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News