XUDUR (KAAB TV) – Howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ayaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed waxa ay ku guuleysteen in ay beegsadaan oo ay ku cirib tiraan xubno muhiim ah oo ka tirsan Al-Shabaab deegaanka Abagbeday oo qiyaastii 20km u jira Xudur.
Howlgalka oo ahaa mid sirdoon ah oo la doonayay in lagu qalqal geliyo dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa lagu soo afjaray horjoogayaal magac weyn lahaa waxaana lagu soo qabtay hub Dhaawacan weyn oo soo gaaray shabakada argigixisada ayaa muujineysa sida ay uga go’an tahay XDS in la ciribtiro khatarta Al-Shabaab.
Howlgalladan ayaa ku soo aadaya iyadoo ay socdaan dadaallo dowladda Soomaaliya ay kula dagaalamayso Al-Shabaab oo khatar joogto ah ku haya gobolka. Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya maleeshiyaad deegaanka ah iyo taageero caalami ah ayaa wada howlgalo isdaba joog ah oo lagu doonayo in lagu wiiqo awooda iyo saameynta kooxda argagixisada ah.
Guusha laga gaaray howlgalk ayaa marag madoon u ah awoodda sii kordheysa ee XDS iyo waxtarka xeeladahooda ka hortagga. Iyadoo la beegsanayo hoggaamiyeyaasha muhiimka ah iyo carqaladaynta dhaqdhaqaaqyada kooxda, XDS waxay dhabar jab weyn ku noqotay awooddii hawl-galnimo iyo niyadda Al-Shabaab.
Sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay ciribtirka khatarta Al-Shabaab waxa ay cadeyn u tahay dadaalka joogtada ah ee lagu dhisayo ciidan qaran oo tayo leh Taageerada joogtada ah ee saaxiibada caalamiga ah SNA waxa ay diyaar u tahay in ay guulo hor leh ka gaarto la dagaallanka argagixisada iyo xagjirnimada Soomaaliya.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wada muujinta go’aankooda iyo waxtarkooda ku aadan la dagaalanka Al-Shabaab.

