Boosaaso (KAAB TV) – Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta halkaasi kooxo hubeysan ku dileen masuul katirsanaa maamulka jaamacadda Bariga Afrika ee kutaalla magaalada Boosaaso.
Sidoo kale, dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in kooxaha hubeysan rasaas la dhaceyn marxuum Khaalid Cali Khaalid oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika, dilka kaddib ayaana la sheegay in goobta ka baxsadeen raggii dilka geestay.
Dhanka kale, ciidamada booliiska magaalada Boosaaso ayaana gaaray goobta uu dilka ka dhacay, waxa ayna saraakiisha ciidamada sheegeen in ay wadaan baaritaanno ku aadan dilka loo geestay masuulkan katirsanaa jaamacadda Bariga Afrika, ayna ku dadaalayaan sidii loo soo qaban lahaa raggii dilka geestay.
Sikastaba, magaalada Boosaaso waxaa ka dhaca dilal kala duwan oo ay geestaan kooxaha hubeysan ee Daacish iyo Al-Shabaab, waxaa sidoo kale magaalada dilal ka geesta kooxo hubeysan oo burcad ah iyo askar katirsan ciidamada maamulka Puntland.

