Waa xaqiiqo in ganacsiyada iyo shaqooyinka ay raggu u badan yihiin, halka dumarka, oo ah hooyooyin iyo mas’uuliyiin qoysas, ay ku adag tahay inay ganacsiyo sameeyaan, ama aysan aaminsanayn inay sameyn karaan. Hase yeeshee, kalsoonida waa muhiim, sida ay sheegtay Nimco Dayib Cabdi.
Dumarka waxbartay ee Soomaaliyeed ma helaan fursado shaqo, kuwa iyaga shaqo-abuurta na ma heli karaan maalgelinta ay u baahan yihiin. Marka deyn loo doonto, bangiyada maxalliga ahna waxay aalaaba keenaan shuruudo adag oo ay wehliyaan damaanad naf iyo maal oo laga rabo qofka soo doonta maalgelinta ee bangiyada ka dalbada, taasoo ku adag gabdhaha aanan kasoo jeedin qoysas hanti ku leh magaalooyinka waaweyn, sida Nimco oo kale.
Si xal loogu helo caqabadaha ka jira dhanka maalgelinta, hay’adda horumarinta caalamiga ee dalka Mareykanka (USAID) ayaa taageero siisay hal-abuurada ganacsi ee dumarka Soomaaliyeed, taasoo la marsiinayo hay’ado maxalli ah oo ay ka mid tahay xarunta Irise ee Muqdisho.