Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada oo ku baaqday in si wadajir ah looga shaqeeyo joojinta bacaha iyo jarista dhirta

|

Muqdisho (KAAB TV) – Wasiirka deegaanka iyo is bedelka cimilada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqday in si wadajir ah looga shaqeeyo joojinta bacaha iyo jarista dhirta
Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa shaaca ka qaaday in wasaaraddu ay si adag ula dagaalanto soo dejinta iyo daadinta bacaha lagu isticmaalo dalka oo dhan.

Khadiija waxay ku boorisay dhammaan ganacsiyada iyo shirkadaha inay helaan beddelka deegaanka ku habboon. Wasaaradda ayaa sidoo kale ka digtay jarista dhirta, waxayna tilmaantay cid kasta oo ku xad gudubta inay la kulmi doonto cawaaqib sharci.

Wasiir Khadiija ayaa tilmaamtay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoogga saarayso wax ka qabashada xaalufka deegaanka, sidaasi darteedna ay bulshada Soomaaliyeed ku boorisay in ay si dhow ula shaqeeyaan wasaaradda si looga hortago qatarta soo fool leh ee ka dhalan karta xaalufinta deegaanka.

“Dadka jarta dhirta iyo kuwa bacaha soo geliya dalkeena waxay la mid yihiin argagaxisada, is bedelka cimiladu waxay khatar weyn ku yihiin dalkeena, xaalufka deegaanka ee dhirta la gooyo waa khatar, cidii ku xad gudubtana waxay la kulmi doontaa cawaaqib sharci.” Ayuu yiri Wasiirka. Deegaanka, Khadiija Al- Makhsuumi.

Wasaaraddu waxay ku boorisay shirkadaha iyo ganacsatada Soomaaliyeed inay hindisaan bacaha aan waxba u dhimayn deegaanka, waxayna digniin u dirtay dadka dhirta jaraya.

Dadka xiiseeya isbedelka Cimilada iyo dadka u ololeeya arrimaha deegaanka ayaa dhowr jeer ka digay dhibaatooyinka ka dhasha is bedelka cimilada iyo jarista dhirta ay leedahay khatar weyn, iyagoo u soo jeediyay dowladda Federaalka Soomaaliya inay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaado ciddii ku xad gudubta bulshada.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News