Xasan Sheekh oo shaaciyay in uusan ka tanaasuleynin mowqifkiisa Doorashada Qof & Codka ah

|

Muqdisho (KAAB TV) – Muddo xileedka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ka harsan muddo hal sano iyo 9-bilood ah, sida muuqatana dalka uma diyaarsano wali in ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, waxaana khilaaf ka jiraa nuuca doorasho ee xilligan dalka ka dhaceysa.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaana ku adkeesanaya in dalka ka dhaceyso doorasho qof io cod ah, halka siyaasiyiinta mucaaradka kasoo horjeedaan arrintaasi ay u arkaan in madaxweynaha sidii Farmaajo rabo muddo kororsi ayna ka yeeleyn arrintaasi.

Dhanka kale, Khudbad uu shalay madaxweynaha ka jeediayy masjid kuyaalla Madaxtooyada ayuu ku sheegay in dalka ka dhaceyso doorasho qof iyo cod ah, waxa uuna caddeeyay madaxweynaha in aysan arrintaasi wax tanaasul ah ama ka noqosho ah aysan jirin.

“Dalka wuxuu galaayaa Doorasho qof iyo cod ah ayuu galayaa ka noqosho malahan, dib uga dhicid iyo ka tanaasulid malahan,dadka soomaaliyeed ayaa codeynaya intii la gaari karo, Waxaan rabnaa in dhowr malyan oo Soomaali ah inay codeeyaan oo ay doortaan golaha deegaanka amaba xildhibaanada baarlamaanka,waa suurtagal inay dhowr malyan ay codeeyaan”ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in sharciga doorashada iyo nidaamka loo galayo ay sameesan yihiin, waxa uu sidoo kale xusay in uu u yaallo sharciga doorashada iyo sidoo kale sharciga xisbiyadda, isagoo tilmaamay in dib loo habeenayo shuruucda lana waafajinayo duruufaha hadda jira.

“Shuruucdii nidaamkii ciyaarta doorashada lagu geli lahaa waa noo sameysan yihiin iyaguna waxay rabaan in la waafajiyo cahdiga cusub iyo duruuftan cusub, waxana yaala sharciga doorashada waa yaalaa, sharciga xisbiyada waa yaalaa, sharciga guddiga doorashada waa yaalaa, duruufihii waa isbedeleen waqtigana waa isbedelay ,dadkii mas’uulka nooga ahaa inbadan oo ka mid ah waqtigaa ka dhacay,sidaa darteed waa in dib loo habeeyo shuruucdii lana waafajiyo duruufta dhabta ah ee maanta jirta.”ayuu yiri Madaxweynaha.

Ugudambeyn, dadka siyaasadda ka faalooda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa aaminsan in dalka uusan wali u diyaarsaneyn in uu ka dhaco doorasho qof iyo cod ah, waxa ayna damaca Xasan Sheekh ku tilmaameen mid uu ku doonayo muddo kororsi ayna adag tahay in laga yeelo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News