Jowhar (KAAB TV) – Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in goordhaw suuqa magaaladaasi uu ka kacay dab xooggan, kaas oo laga cabsi qabo in uu kusii fido qeybo badan oo suuqa kamid ah.
Sidoo kale, goobjoogayaal ayaa ku waramay in dabka ka bilowday goob ganacsi oo kutaalla Suuqa, waxa uuna hadda kusii fidayaa qeybo kale oo suuqaasi kamid ah, waxaana socda dedaalo ay dadka shacabka ah wadaan kuna doonayaan in dabka lagu damiyo.
Dhanka kale, Ciidamada ammaanka maamulka Hirshabelle ayaa sidoo kale gaaray suuqa dabku ka kacay, waxa ayna ciidamada xaqiijinayaan amniga suuqa, waxa ay sidoo kale ka qeyb qaadanayaan dedaalada lagu doonayo in daka lagu damiyo.

