GAZA (KAAB TV) -Ugu yaraan 37 qof ayaa ku dhintay tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeymo isdaba joog ah oo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Israa’iil, duqeynta madaafiicda iyo rasaasta oo ka dhacayay marinka Qaza tan iyo xalay, sida ay sheegeen maamulka caafimaadka deegaanka.
Magaalada Khan Younis, weerar cirka ah oo lagu qaaday guriga qoyska Kalakh ee xaafadda Al-Amal ayaa waxaa ku dhintay 11 qof oo rayid ah. Isla mar ahaantaana, duqeyn ay Israa’iil ka geysatay aagga Al-Katiba ee bartamaha Khan Younis ayaa sidoo kale galaaftay 11 qof.
Intaa waxaa dheer, rasaas ay fureen baabuurta ciidamada Israel iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa ku dhacay teendhooyin ay dad barakacayaal ah ku lahaayeen galbeedka magaalada, taasoo keentay ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay dhowr kalena waa lagu dhaawacay.
Rafah, kooxaha samatabbixinta iyo cutubyada difaaca madaniga ah ayaa soo sheegay in ay soo saareen saddex mayd oo ay lahaayeen dad rayid ah oo ay dileen ciidamada guumaysiga Israa’iil. Dhibanayaal kale oo badan ayaa ku hoos jira burburka hoostiisa, iyadoo shaqaalaha gurmadka aysan awoodin inay gaaraan xilligan.
Bartamaha Qaza, duqeymo xagga cirka ah ayaa lala beegsaday daaraha Ein Jalout ee ku yaalla xerada qaxootiga ee Nuseirat, waxaana ku dhintay ugu yaraan saddex qof kuwa kalena waa ay ku dhaawacmeen.
Dhinaca kale, ilo maxalli ah ayaa ku waramaya in duqaymaha cirka ee Israa’iil ay sidoo kale ku garaaceen dad rayid ah deegaanka Abu Cariif ee bariga Deir al-Balah, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.
Intaa waxaa dheer, duqeymo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ku qaadeen teendhooyin barakacayaal ah oo ku yaalla bariga Deir al-Balah ayaa sababay dhimashada hal Falastiini ah iyo shan kale oo dhaawac ah. Madaafiic kale oo ay Israa’iil ku garaacday deegaanka Xakar Al-Jaami ee Deir al-Balah ayaa sidoo kale sababay dhaawacyo dhowr ah.
Xadgudubka Israa’iil ee Gaza tan iyo Oktoobar 2023 ayaa ilaa hadda sababay 40,265 la diiwaangeliyay dhimashada Falastiin, iyadoo in ka badan 93,144 kale ay dhaawacmeen.
Kumanaan dhibanayaal ah ayaa laga cabsi qabaa inay ku hoos jiraan burburka hoostiisa, oo aysan geli karin kooxaha gurmadka iyo kooxaha difaaca madaniga ah sababo la xiriira weerarada Israel.

