LAASCAANOOD (Kaab TV) – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa maanta Magaalada Lascaanood ku soo gabagabeeyays tababar loo qabtay 12 gabdhood oo ka kala yimid Garoowe, Buhoodle iyo Lascaanood.
Tababarkan ayaa diirrada lagu saaray awood-siinta iyo kor u qaadidda xirfadaha wax tebineed iyo kuwa sheeko samayn ee gabdhaha suxufiyiinta ah.
Qaar ka mid ah haweenka suxufiyiinta SSC-Khaatumo iyo Puntland ee ka qeyb galay tababarka ayaa shegay in wax badan ay ka faaideen intii uu socday tababarkas waxaana ay u mahadceliyeen madaxda Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed SJS.
Anfac Aden Cabdi oo katirsan mas’uuliyiinta SJS ayaa sheegtay in muhiimadda tababarkani uu ahaa sidii loo heli lahaa gabdho awood u leh sheeko saamayn iyo in saxaafaddu la timaado isbeddel bulsho iyo mid hoggaamineed oo dhanka haweenka ah.
Mas’uuliyiinta Somali Journalists Syndicate – SJS, Wasaaradda Warfaafinta SSC-Khaatumo iyo Guddoonka Suxufiyiinta Khaatumo ayaa wadajir shahaadooyinka u guddoonsiiyay haweenka weriyayaasha ee Puntland iyo SSC-Khaatumo oo tababar laba maalin ah ugu soo dhammaaday Laascaanood.