Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Muqdisho oo la daalaa dhacaysa caqabado adag oo dhanka nadaafadda ah”

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Maxamed Axmed Caamir, ayaa wuxuu daboolka ka qaaday dhibaatooyinka nadaafadeed ee ka taagan Caasimadda Soomaaliya. Mar uu ka hadlayay nadaafadda magaalada oo aad u liidata, waxa uu ballan qaaday in maamulkiisa ay ka go’an tahay wax ka qabashada arrimahaasi.

 

Duqa Muqdisho Caamir ayaa ku nuux nuuxsaday in soo celinta nadaafadda iyo bilicda magaalada Muqdisho ay u baahan tahay dadaal iyo iskaashi wadajir ah. Waxa uu ugu baaqay dadka deegaanka, ganacsatada iyo dadka ay khuseyso in ay iska kaashadaan sidii dib loogu hagaajin lahaa goobaha ay ka jirto nadaafad darada oo uu xusay in ay dhibaato weyn ku qabaan caafimaadka bulshada.

 

“Magaaladu waxa ay ku jirtaa dhibaato heer aan caadi ahayn oo nadaafad darro ah,” ayuu yiri duqa Caamir. “Qof keligiis ma nadiifin karo magaalada; waxay u baahan tahay dadaal midaysan. Diiradayda koowaad waa in aan soo bandhigo oo aan hirgeliyo aragti lagu nadiifinayo Muqdisho.”

 

Duqa Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqay in ka hortagga dhibaatooyinka nadaafadda ay muhiimadda koowaad u tahay Maamulka Gobolka Banaadir. Waxa uu ku tilmaamay in aysan muhiim ahayn oo kaliya bilicda magaalada balse ay sidoo kale tahay soo kabashadeeda xudunta u ah Soomaaliya.

 

Dhanka kale, shacabka Muqdisho iyo ganacsatada leh ee canshuuraha ku bixiya dowladda hoose, ayaa walaac ka muujiyay baahida loo qabo in la horumariyo adeegyada. Waxyaabaha ay rabaan waxaa ka mid ah wax ka qabashada arrimaha nadaafadda magaalada, dayactirka kaabayaasha burburay, iyo yareynta ciriiriga waddooyinka.

 

Duqa Muqdisho ayaa sheegay inay ka go’an tahay nadaafadda magaalada Muqdisho, wuxuuna ballan qaaday inuu xal u keeni doono caqabadaha jira si loogu gogol xaaro caasimado caafimaad iyo firfircooni leh.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News