Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Laamaha ammniga Puntland oo digniin kasoo saaray falal ammni daro oo ka dhici kara Puntland

|

Garoowe (KAAB TV) – Maamulka Puntland, ayaa isku diyaarinaya duullaan ka dhan ah kooxaha hubeysan ee Daacish iyo Al Shabaab ee ku sugan deegaannada maamulkaasi, waxaana hadda soo baxaya digniino amni oo la xariira weeraro ay fulin karaan kooxahaasi weerarka lagu yahay.

Sidoo kale, Saraakiisha amniga u qaabilsan maamulka Puntland, ayaa soo saaray digniin amni oo ku saabsan in taxaddar dheeri ah laga muujiyo falalka amni-darro oo laga cabsi qabo  kooxaha argagixisada ah ka samayn karaan magaalooyinka waaweyn e Puntland.

Dhanka kale, Afhayeenka booliska Puntland G/sare Xasan Cabdullaahi Maxamed, ayaa ugu baaqay laamaha amniga in ay galaan feejignaan dheeri ah, waxa uu sidoo kale shacabka Puntland ka codsaday in taxadar dheeraad muujiyaan si looga hortago dhagarta kooxaha argagaxisada uu ku tilmaamay.

“Waxaa la faraya ciidamada magaalooyinka waaweyn iyo kuwa yar yar amnigoda sugaya in ay taxaddar dheeri ah muujiyaan oo ay xil iska saaraan dhaq dhaqaaqa gaadiidka iyo hubinta qof islamarkaana waajibkooda ka gutaan, sidoo kale waxaa la farayaa ciidamada in ay hubiyaan gaadiidka iyo dadka safarka ah , si aysan argagaxisada ugu soo dhax dhuuman” ayuu yiri afhayeenka booliiska Puntland.

Afhayeenka ayaana si gaar ah ugu baaqay dadka shacabka ah in ay yareeyaan isu imaatinka goobaha dadweynaha isugu tagaan sida hoteelada iyo goobaha kale ee ganacsi , waxa uuna ugu baaqay haddii ay arkaan wax amniga liddi ku ah ku wargaliyaan laamaha amniga.

Sikastaba, digniintan amni ayaa kusoo aadeysa xilli kooxda Dacaish labo maalin kahor weerar ismiidaamin iyo mid toos ah ku qaadeen goob ay joogeen ciidamada Puntland ee isku diyaarinaya howlgalka buuraha gobolka Bari looga sifeenayo kooxaha argagaxaisada ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News