SO | EN

SO | EN

Mareykanka: Wasiir Soomaali ah iyo sarkaal militari oo lagu heley kiis afduub weriye

|

Washinton (Kaab TV) – Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa labo nin oo Soomaali ah oo lagu kala magacaabo Maxamed Tahliil Maxamed iyo Cabdi Yuusuf Xasan ku heshay dambi ah in sanadkii 2012-kii ay bartamaha Soomaaliya ku qafaasheen wariye Michael Scott Moore oo u dhashay dalka Jarmalka.

War qoraal ah oo ka soo baxay waaxda cadaaladda ee Mareykanka ayaa lagu yiri “977 maalmood, Michael Scott Moore, oo ah saxafi Mareykan ah, ayaa waxaa afduub ahaan loogu haystay Soomaaliya. Maanta, xeerbeegti wadajir ah ayaa labo nin oo muhiim u ah kiiska weriye Moore, kuwaas oo kala ah: Maxamed Tahliil Maxamed iyo Cabdi Yuusuf Xasan.”

Saraakiil dowladda Soomaaliya

21-kii Janaayo, 2012, weriye Moore waxaa afduub ahaan u qabsaday koox burcad badeed Soomaali ah xilli uu shaqo u joogay bartamaha Soomaaliya. Waxay sii daayeen bishii Sebtembar 2014 ka dib markii ay heleen lacag madaxfurasho ah.

Sida laga soo xigtay Waaxda Cadaaladda Mareykanka, Maxamed Tahliil, oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada Soomaaliya, ayaa hayey qoryihii iyo bam-gacmeedyada loo adeegsan jiray handadaada iyo qabashada weriye Moore. Cabdi Yuusuf Xasan oo ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Dowlad Goboleedka halkii lagu heystay weriye Moore ayaa ku takri falay xilka Dowladdiisa, wuxuuna hormuud ka ahaa dadaallada Burcad-badeeda ay ku doonayeen inay madax furasho badan ka qaataan Hooyada dhashay weriye Moore.

“Xukunka Maxamed Tahliil Maxamed iyo Cabdi Yuusuf Xasan ee maxkamad ku taal Mareykanka waxa ay diraysaa fariin rajo ah in cadaaladda ay suurtagal tahay saxafiyiinta la weeraray, la afduubtay, ama xitaa la dilay iyaga oo ka warbixinaya Soomaaliya,” ayey tiri wakiilka CPJ ee Afrikada hoose ee Saxaraha ka hooseeya Muthoki Mumo. “Waxaa la gaaray xilligii saxafiyiinta Soomaaliyeed ay si isku mid ah ugu heli lahaayeen cadaalad gudaha dalka. Maamullada Soomaaliya waa in ay joojiyaan heerka sare ee isla xisaabtan la’aanta dambiyada ka dhanka ah saxaafadda iyaga oo xaqiijinaya isla xisaabtanka.”

Hadda ka hor, 2018, maxkamad ku taal Canada waxay Ali Omer Adeer ku xukuntay inuu ka qaybqaatay afduubkii 2008 ee Soomaaliya loogu gaystay Saxafiyad Canadian ah oo lagu magacaabo Amanda Lindhout, sawir qaade Australian ah Nigel Brennan iyo agaasimehoodii, Cabdifataax Maxamed Cilmi.

Soomaaliya ayaa kaalinta 1-aad ka gashay qiimeynta CPJ’s Global Impunity Index—taas oo soo bandhigtay wadamada ugu liita ee lagu xukumo gacan ku dhiiglayaasha saxafiyiinta—sideedii sano ee la soo dhaafay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News