SO | EN

SO | EN

Booliiska magaalada Los Angeles oo gacanta kusoo dhigay nin lagu tuhmay in uu dab qabadsiin rabay meelo horleh

|

Los Angeles (KAAB TV) – Magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka, waxaa ka taagan musiibo aan horey loogu arag, waxaana qeybo badan oo magaaladaasi katirsan qabsaday sidoo kale baabi’iyay dhismayaal badan, iyadoona  lagu guuleysan waayay in si sahlan loo damiyo dabkaasi.

Sidoo kale, dabkan ayaa dhulka la simay guryo aad u badan oo kuyaallay magaaladaasi, waxa uuna dabka wali kusii fidayaa qeybo hor leh oo katirsan magaalada Los Angeles ay ku badnaayeen dadka maalqabeenada ah iyo sidoo kale dadka caanka ah.

Dhnanka kale, booliiska magaalada Los Angeles, ayaa war ay soo saareen waxa ay ku shaaciyeen in ay xireen nin lagu tuhmay in uu doonayay in qeybo hor leh oo katirsan magaalada uu dab qabadsiiyo, si xaalada hadda magaalada ka taagan uga sii darto.

Warka kasoo baxay booliiska ayey ku sheegeen saraakiishu ay heleen taleefoon ku saabsan ninka tuhmanaha la sheegay inuu doonayay inuu dab qabadsiiyo deegaanka Woodland Hills, kadibna sidaa ayay ugu baxeen oo ay u soo qabteen ninkaasi.

Booliiska ninkan ay xireen ayaa si gaar ah la sheegay in uu doonayay in uu dab ka kiciyo waddada aaga Ybarra oo waqooyi ka xigta halka uu hadda dabka xoogan ka kacayo  ee Palisades, waxa ayna booliiska sheegeen in ay baarayaan ninkan la qabtay .

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News