New York (KAAB TV) – Madaxweynaha markale dib loo darte ee Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii dib udhigay canshuur-kodhinti uu ku sameeyay badeecadaha ay Canada iyo Mexico ay u soo dhoofiyaan gudaha Mareykanka, canshuurtaas oo gaareysay 25%.
Sidoo kale, dib udhigista canshuurta lagu soo rogay Mexico iyo Canada ayaa timid kaddib marki uu madaxweyne Trump khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Mexico haweeneyda lagu magacaabo Claudia Sheinbaum iyo Ra’iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau.
Dhanka kale, Trump ayaa war qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa X ku sheegay, in u uku faraxsanyahay natiijada horudhaca ah ee arrintan kasoo baxday, isla markaana muddo 30 maalin ah la hakiyay tacriifta si uu u arko in la gaari karo heshiis dhaqaale oo kama danbeys ah oo uu la galo Canada iyo Mexico.
Dhankiisa Ra’iisul wasaaraha Canada Trudeau ayaa isna sheegay, in Canada ay geyn doonto xadka ay la wadaagto Mareykanka ciidan iyo qalab cusub oo tiknolooji ah ah, si loo joojiyo qul qulka daroogada fentanyl.
Wuxuu sheegay in uu khadka telefoonka kula hadlay madaxweyne Trump, “Canshuurta lasoo jeediyay waxaa la hakiyay muddo 30 cisho ah, halka aan sii wadeyno wada shaqeynteenna.” Ayuu yiri Trudeau.
Madaxweynaha Mexico Claudia Sheinbaum ayaa sheegtay in ay xadka Mexico uu la wadaago Mareykanka ay geyn doonto ilaa 10,000 oo askari oo ka tirsan millatariga, si ay u xakameeyaan daroogada nuuceeda dilaaga ah ee loo yaqaanno fentanyl, taas oo Mareykanka kasoo gasha dhanka Mexico.
Waxay kaloo soo hadal qaaday in dowladda Mareykanka ay u ballan qaadday in ay wax ka qaban doonto joojinta hubka awoodda badan ee loo dusiyo dhinaca Mexico.
Waxay intaasi raacisay in madaxda labada waddan ay sii wadi doonaan wada hadalladooda ku aaddan dhinacyada ammaanka iyo ganacsiga, isla markaana arrinta canshuurta muddo bil ah la hakinayo.
Ugudambeyn, haddii uu madaxweyne Trump hakiyay canshuurtii uu saaray Mexico iyo Canada, haddana waxaanan wali waxba laga baddalin canshuurti uu saaray Trump badeecadaha uu Shiinaha u soo dhoofiyo Mareykanka.