MUQDISHO (Kaab TV) – Dumarka Soomaaliyeed laguma aqoonin inay qabtaan shaqo la mid ah tan ragga. Tani waxay ahayd fikir dhaqan soo jireen ah oo ku dhisan bulsho reer-guuraa ah. Si kastaba ha ahaatee, hadda way isbeddeleysaa maadaama dumarku ay dhiirradaan, tababartaan, oo ay qabtaan isla shaqooyinka ragga.
Halkan Muqdisho, Kaab TV waxay la kulantay koox dumar dhallinyaro ah oo sameynaya qaxwo kuna shaqeynaya xirfadda adeegayaal (waiters).
Shaqooyinkan horay looma aqoonsan dumarka.
Hase ahaatee Ayaan Daahir Faarax iyo saaxiibadeed ayaa Kaab TV u sheegay inay maanta muhiim tahay in qofkasta uu yeesho xirfad uu ku shaqeysto.
“Qof kastaa wuxuu leeyahay himilo. Tani waa xirfad, meel kasta oo dunida ahna, xirfad baa lagama maarmaan ah,” ayay tiri Ayaan Dahir Farah.