SO | EN

SO | EN

Duqeymo xalay ka dhacay buuraha Caalmiskaad ee gobolka Bari

|

GARAWE (KAAB TV) -Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo xooggan oo xalay ka dhacay deegaanka Shebaab oo ka tirsan Buuraha Caalmiskaad ee gobolka Bari.

War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska ciidamada wada howlgallada ka socda gobolka Bari ayaa lagu sheegay in duqeymaha lala beegsaday xubno ka tirsan Daacish oo ku sugnaa deegaanka Shebaab.

Sida uu sheegay qoraalka, howlgalka ayaa waxaa lagu dilay 30 xubnood oo katirsan Daacish, una badnaa Ajaanib, iyada oo la burburiyay gaadiid ay xubnahaasi wateen.

“Labo duqeyn ayaa ka dhacday degaanka Shebaab ee buralayda Calmiskad, waxa lagu dilay in ka badan 30 Daacish ah oo Ajanabi u badan iyadoo lagubay gaarigii Saadka u waday” ayaa lagu yiri Bayaanka ka soo baxay Puntland.

Ugu dambeyn, bayaanka ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in tirade xubnaha lagu dilay howlgallada ka socda gobolka Bari ay gaarayaan in ka badan 200 xubnood oo ka tirsanaa Daacish, lana sii xoojin doono.

Saaxiibada Caalamiga ah ee Soomaaliya sida Mareykanka ayaa hore dhowr jeer duqeymo uga fuliyay deegaanno ka tirsan buuraleyda gobolka Bari oo uu ka socdo dagaalka ciidamada Punland iyo Daacish.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News