SO | EN

SO | EN

Diyaaraha Maraykanka oo duqeeyay goob la sheegay in ay joogeen Madaxda Daacish

|

Diyaaradaha duulliye la’aanta Maraykanka ee Drones-ka ayaa duqeyn xooggan ka fuliyay godad u dhow Togga Jaceylka Buuraha Calmiskaad Gobolka Bari, waxaa la sheegay in goobtaas la duqeeyay ay ku sugnaayeen madax katirsan Daacish.

Saraakiil katirsan Ciidanka Difaaca Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa sheegay in ay weerarkaan uu yimid kaddib markii la helay xogta xubnaha Daacish oo halkaas ku lahaa kulan ay uga arrinsanayeen xaaladaha soo kordhay.

Maraykanka oo inta badan ay kala xog-qaataan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii dambe waxaa fududaatay in lagu dhaqaaqo fulinta howlgalkaan sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan ciidanka ammaanka DG Puntland.

Diyaaradaha Maraykanka iyo Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa kordhiyay weerarrada cirka ah ee ka dhanka ah Daacish maadaama ay tababareen labadaan Dal ciidamada Badda Dowlad-Goboleedka Puntland ee PMPF & kuwa amniga ee PSF.

Puntland oo xaqiijisay in uu weerarkaan dhacay ayaa sheegtay in la dilay saraakiil katirsan Daacish balse ma soo gudbin tira rasmi ah oo ah xubnaha lagu dilay duqeyntaan ay geysteen diyaaradaha Maraykanka ee Drones-ka loo ganayo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News