SO | EN

SO | EN

Dib-u-Habeynta Waxbarashada: Ardayda Garowe oo la baro xirfadaha teknolojiyada

|

GAROWE (Kaab TV) – Muddo dheer, ardayda Soomaaliyeed ee wax ku barta gudaha dalka waxaa loo dhigi jiray maadooyin aragtiyo (theory) ku kooban oo aanay la socon xirfado gacmeed.

Xitaa kuwa ka qalinjabiya jaamacadaha, waxay soo baxaan iyagoo aan heysan xirfado ay ku shaqeyn karaan oo la xiriira maadooyinka ay sheeganayaan inay soo barteen ee ku qoran shahaadooyinka.

Tani waxay saameysay jiilal badan, iyadoo su’aal la galiyay tayada waxbarashada iyo nooca manhajyada ardayda la baro.

Balse dhowaanahan, waxaa soo baxay goobo waxbarasho oo dib u habeyn ku sameeyay manhajyada si ay u noqdaan kuwo soo saari kara arday la jaanqaadi karta nolosha maanta ee dunida ka jirta, taasoo ay jaangoyso teknoolojiyadda.

Iskuulka Al-Nawawi ee magaalada Garowe, oo ah dugsi hoose, dhexe iyo sare, ayaa maadooyinkiisa ku soo kordhiyay qeybta shaybaarka kombiyuutarada iyo barashada barnaamijyada kombiyuutarka, halkaasoo ardayda ay ku bartaan softwares-ka kala duwan.

Korontada, kaamirooyinka amniga ee CCTV iyo naqshadeynta graphics sida sawirrada ayaa ka mid ah maadooyinka ay halkaas ardaydu ku bartaan.

Muniiro Cabdinuur Cismaan, oo ardayda hadda ku jirta fasalka 3aad ee dugsiga sare (Form 3), ayaa sheegtay in gabdhuhu hadda ay ku badan yihiin ardayda xirfadaha kombiyuutarka baraneysa.

“Waxaan u tababartaa xirfadda graphic designer. Waxaan rajeynayaa inaan wax badan gaaro. Xirfadaha waxaa la dhahaa wiilasha ayaa ku fiican. Laakiin gabdhaha waan ku dhiirigalinayaa,” ayay tiri.

‘Gabdhuhu ay gaari karaan heer sare’

Laakiin, Umaya Maxamed Ibraahim, oo ah ardayad kale oo hadda fadhida fasalka 3aad ee dugsiga sare, ayaa sheegtay in heerka adduunka maanta uu saameyn ku yeeshay jiheynta ardayda, taasoo ku qasbaysa inay bartaan xirfadaha kombiyuutarka.

“Markii hore wax yar baan naqaanay. Haddase waxaan barannay waxyaabo badan, waxaan daabici karnaa dukumintiyada, waxaan baranay softwares kala duwan,” ayay tiri.

Waxay sidoo kale sheegtay in gabdhuhu ay gaari karaan heer sare oo ka sareeya wiilasha haddii si fiican loogu tababaro xirfadaha ayna helaan fursad.

Macallin Maxamuud Cabdullaahi, oo ka mid ah macallimiinta dugsiga sare, ayaa sheegay in iskuulku uu goostay inuu ardaydiisa baro xirfadaha kombiyuutarka markii ay u muuqatay baahida dunida ka jirta iyo caqabadaha horyaalla ardayga Soomaaliya maanta wax ku barta.

“Sida aan wada ogsoonahay, ardaydu waxay soo bandhigeen guul ay ka gaarteen xirfadaha sida xiritaanka korontada, CCTV iyo ku shaqeynta softwares kala duwan. Tan waxaa keenay baahida shaqo ee hadda ka jirta adduunka iyo sida loogu baahan yahay inay ardayda noloshooda wax ka bedelaan dhanka khibradda iyo dhaqaalaha,” ayuu Kaab TV u sheegay Macallin Maxamuud.

inkastoo uu hal iskuul kaliya billaabay hindisahaan, ayna jiraan kuwo kale oo laga yaabo inay ku dayanayaan, ayaa weli waxaa jira caqabado.

Tayada waxbarashada Soomaaliya waxay wajahaysaa caqabado waaweyn oo saameyn ku leh awoodda ardayda inay helaan xirfadaha muhiimka ah.

Iskuulada waxay ku shaqeeyaan fasallo ciriiri ah, iyadoo ay yar yihiin macallimiinta xirfadda leh ee dhigi kara maadooyinka loo baahan yahay.

Buugaagta iyo agabka kale ee waxbarashada, sida kombuyuutarada, ma wada heli karaan ardayda oo dhan.

Gabdhaha ayaa gaaraya 17% guud ahaan ardayda heli karta waxbarashada aasaasiga ah Soomaaliya oo dhan, taasoo ka dhigan inay weli jiraan gabdho badan oo aan helin waxbarasho iskana jooga guryaha.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News