Shabeellah dhexe (KAAB TV) – Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday deegaanka Boos Hareeri ee Gobolka Shabeelaha Dhexe halkaas oo ay firiimo ku leeyihiin ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.
Sidoo kale, dagaalkan ayaa lagu soo waramayaa in la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.
Dhanka kale, dagaalkan ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay ku xigeenkii madaxa howlgallada Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe Fariis Maxamuud Jaamac.
Alshabaab ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay xoojisay weerarada ay ku qaadaan fariisimaha ciidanka dowladda ku leeyihiin gobolka shabeellaha dhexe,
Sikastaba madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lafilayaa in uu ku dhawaaqo wijiga saddexaad ee dagaalka ka dhanka kooxda Alshabaab.