SO | EN

SO | EN

Iska horimaad u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada dowlada oo dhacay deegaanka Xaawo Cabdi

|

Muqdisho (KAAB TV) -Ammaanka deegaanka Xaawo Cabdi ee ku dhow caasimadda Soomaaliya ayaa si xawli ah u xumaaday, kaddib weerar ay saaka aroortii kooxda Al-Shabaab ka geysteen khasaare xooggan.

Iska horimaadkan oo kooban balse xooggan ayaa ku billowday qaraxyo, waxaana xigay dagaallo toos ah oo dhexmaray xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamada ay gudaha u galeen deegaanka Xaawo Cabdi oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose oo u dhaxeeya Lafoole iyo Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dowladda Soomaaliya oo arrintaas ka jawaabeysa ayaa diyaarado Helicopter ah geysay goobaha ay ku sugan yihiin dagaalyahannada Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan Gobolka Shabeelaha Dhexe, iyagoo u weecday dhanka Shabeellaha Hoose, iyadoo ay sii korortay colaadda Gobolkaasi.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News