SO | EN

SO | EN

Hoggaamiyihii kooxda RSF oo markale dib usoo laabtay isagoona fariin hanjabaad ah soo diray

|

Khartuum (KAAB TV) – Hoggaamiyaha maxaliga ah ee kooxda RSF ee ka dagaalanta dalka Suudaan, Maxamed Xamdaan Dagalo, ayaa muddo kaddib la arkay muuqaalkiisa, kaddib markii la baahiyay farriin maqal iyo muuqaal ah oo laga soo duubay.

Sidoo kale, Maxamed Dagalo oo kooxdiisa RSF guuldarooyin xiriir ah kasoo gaareen dagaalka ay kula jiraan ciidanka milatariga Sudan, waxaa laga saaray qeybo badan oo katirsan Khartuum iyo magaalooyin kale ay joogeen.

Dhanka kale, hoggaamiyaha RSF ayaa ugu baaqay ciidankiisa in mar kale qaadaan dagaal adag oo ka dhan ah milatariga Sudan, waxa uuna caddeeyay in ciidankiisa ka bixi doonin goobaha ay wali kaga sugan yihiin gudaha magaalada Khartuum, ee Caasimadda dalka Suudaan.

Maxamed Xamdaan Dagalo ayaa sheegay in ay qaadayaan howlgal cusub ay ku doonayaan in ay kula wareegaan magaalada Port Sudan oo hadda xarun ay ku shaqeeyaan dowladda ay hoggaamiyaan milatariga dalka Sudan.

Sikastaba, dib usoo laabashada hoggaamiyaha RSF ayaa kusoo beegmeysa, xilli ay kooxdiisa la kulmayaan burbur xoog ah oo dhaliyay inay dhul badan isaga baxaan, sidoo kale ay hoos u dhacday taageerada ay heli jireen, sidoo kalena maqnaashaha muddada dheer ee Maxamed Dagalo ayaa gelisay kooxdiisa niyadjab.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News