SO | EN

SO | EN

Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah AS iyo Daacish

|

Muqdisho (KAAB TV) -Madaxweynihii hore ee Maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa ku baaqay in loo midoobo dagaallada adag ee ka dhanka ah AS iyo Daacish ee Soomaaliya ka socda.

Wuxuu ku ammaanay hoggaanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni sida ay uga go’an tahay howlgallada adag ee ciidamada ay hadda wadaan.

Cosoble ayaa kula dar daarmay madaxda dowlad goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland in ay ku daydaan oo ay soo xirtaan saanad ciidan oo ay si firfircoon ugu biiraan furimaha hore ee howlgallada adag ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in hab wadajir ah oo mideysan ay lagama maarmaan u tahay guulo laga gaaro howlgalladan.

“Sida Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Siciid Deni ay u soo xirteen dareeska, una aadeen furimaha dagaalka, waa in saddexda kale ee maamul goboleedyada ay sidaas oo kale sameeyaan, dagaalkan wuxuu u baahan yahay midnimo, labada dhinac ee mucaaradka ah iyo kuwa dowladda waa in ay isu yimaadaan si ay u gutaan waajibkan qaran” ayuu yiri Cosoble.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ku sugan goobihii lagu dagaalamay ee Shabeellada Dhexe, ayaa sheegay inay ka go’an tahay maamulkiisa inuu xoojiyo howlgallada ka dhanka ah AS ee ka socda gobolka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News