SO | EN

SO | EN

Maydka Jeneraal Sheegow oo diyaarad laga saaray garoonka Muqdisho

|

Muqdisho (KAAB TV) -Alle ha u naxariistee waxaa haatan socoto qaban-qaabada aaska marxuum Jeneraal Sheegow Axmed Cali oo saaka maydkiisa lagu wareejiyay ehelladiisa, kaas oo dhowaan geeriyooday, isaga oo xabsi ugu jiray dowladda Soomaaliya.

Marxuumka ayaa salaadda Janaazada lagula dukaday isbitaalka Digfeer, waxaana ka qayb-galay Janaazada guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Liibaan Cali Yarow, xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan dowladda federaalka oo beeshiisa ka soo jeedo.

Maydka marxuumka oo dadweynaha ay kasoo qaadeen isbitaalka ayaa waxa ay lug ku geeyeen garoonka Aada Cadde, halkaas oo diyaarad laga saaray, waxaana ehelladu ay sheegeen in lagu aasi doono magaalada Jowhar oo uu deegaan ahaan kasoo jeedo.

“Waxaa la’isku afgartay in la dhammeystiro aaskiisa, dowladdana waxay ogolaatay in Jananka ay ku wareejiyo ehelladiisa” ayuu yiri Dr. Mahad Hashim oo ka mid ah ehellada.

Sidoo kal wuxuu sii raaciyay “Beesha Jareerwayne ayuu ka dhintay AUN Jeneraal Sheegoow, maantana waxaa maydkiisa ku aaseynaa magaalada Jowhar”.

Sheegow ayaa waxaa horay loo sheegay in xanuunkiisu kasoo bilowday Cagaarshow, balse uu u dilaacay Kansar, sida uu toddobaadkii hore warbaahinta u sheegay wasiir ku-xigeenka warfaafinta HirShabeelle, Cabdishakuur Shaashaa, oo Jananka ay qaraabo ahaayeen.

Inkasta oo dowladda Soomaaliya ay isbitaal geysay ninkan, haddana ehelkiisu waxay ku doodayaan inuu dayacaad u dhintay, oo uusan helin daryeel caafimaad oo ku filan.

Jeneraal Sheegow ayaa loo xiray iska horimaad Muqdisho ku dhex maray ciidan uu watay iyo ciidamada dowladda. Qabashadiisa kaddib, waxaa lasoo taagay Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday, wixii intaas ka dambeeyayna wuxuu ku jiray xabsiga ku yaalla Muqdisho.

Dhinaca kale waxaa haatan soconayo dadaallo kale oo lagu soo deynayo 22 dhalinyaro ah oo lala xiray Jeneraalka, kuwaas oo ehelladoodu dalbanayaan in xoriyaddooda la siiyo.

“Waxaa kale oo jira 22 dhalinyaro ah oo maxaabiis ah oo dowladda u xiran howlo farsamo oo hadda la wado ayaa jiro marka la dhameystiro, iyagana waa lasoo deyn doonaan” ayuu mar kale Dr. Mahad Hashim oo kamid ah ehellada Marxuum Sheegow.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News