Hargeisa(KAAB TV) – Somaliland ayaa ku eedaysay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya inay ku lug lahayd dagaalkii Khamiistii ciidamadeeda iyo maamulka SSC-Khaatumo ku dhexmaray deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag.
War-saxaafadeed ay Jimcihii soo saartay Wasaaradda Gaa shaandhigga Somaliland, ayaa lagu sheegay in Raysal-wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo dhawaan booqasho ku tegay Laascaanood uu door ku lahaa abaabulka shaqaaqooyinkaas oo lagu eedeeyay inuu khal-khal gelinayo Somaliland.
“Falalkani waxay khatar weyn ku yihiin xasilloonida gobolka waxayna xadgudub ku yihiin mabaadi’da madax-bannaanida iyo nabad kuwada noolaanshaha,” ayaa lagu yiri bayaanka. “In kasta oo Somaliland ay weli tahay tiirkii nabadda iyo iskaashiga Geeska Afrika, hurinta colaaduhu waxay wiiqaysaa dadaallada socda ee xasilloonida gobolka.”
Wasaaraddu waxay xaqiijisay inay Somaliland ka go’an tahay inay difaacdo waxa ay u aragto madax-banaanida dhuleed iyada oo beesha caalamka ugu baaqday inay soo farageliyaan oo ay qaadaan tallaabooyin lagaga hortagayo inay sii huraan colaadda.
Maamulka SSC-Khaatumo oo arrintaas ka jawaabaya ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray habeenimadii Khamiista, ku eedeeyay ciidamada Somaliland inay weerarro ku qaadeen dad reer guuraa ah oo ku nool gobolkaas. Maamulka ayaa ku celceliyay in ay ka go’an tahay in ay difaacdaan dadkooda iyo dhulkooda.
Dagaalladan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay sii xoogaysanayso xiisadda ka taagan gacan ku haynta gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn (SSC) — deegaannada ay leeyihiin maamulka SSC-Khaatumo, balse ay kala sheeganayaan Somaliland iyo Puntland. Xiisadan ayaa dib u soo cusboonaatay kadib socdaalkii taariikhiga ahaa ee Ra’iisul Wasaare Barre uu ku tagay magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka SSC-Khaatumo, halkaas oo uu u ballan qaaday in uu garab istaagi doono maamulka KMG ah, isla markaana uu furay mashaariic horumarineed.
Dagaalka labada dhinac ayaa sii xoogeystay tan iyo horraantii 2023-kii, kaddib kacdoon dadweyne oo ka dhacay magaalada Laascaanood oo sababay in Somaliland ay ka baxdo magaalada.