Muqdisho (KAAB TV) –Diblomaasi hore oo Mareykan ah ayaa weerar culus ku qaaday Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Macalin Fiqi, isagoo ku eedeeyay inuu wiiqayo saaxiibada caalamka ee dhanka ammaanka.
Tibor Nagy, Kaaliyihii hore ee Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika, ayaa hadal uu soo dhigay baraha bulshada waxa uu ku cambaareeyay wax uu ku tilmaamay “eedeymo aan sal iyo raad toona lahayn” oo uu Wasiir Fiqi u jeediyay ku simaha madaxa ciidamada Midowga Afrika ee sugaya ammaanka Muqdisho.
“Somali ForMin Fiqi waxba kama qaban karo inuu gacanta ka qaniino kuwa dalkiisa badbaadiya – markan wuxuu ku eedeeyay madaxa AUSSOM, ciidamada ilaaliya Muqdisho, inuu la dhacsan yahay al-Shabaab!! Haddaba yaa danta Al-Shabaab ugu adeegaya eedeymo qosol leh?,” ayuu raaciyay.
Hadalkiisa ayaa imaanaya iyadoo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM oo dhawaan u wareegaya AUSSOM- ay sii wadaan howlgallada xooggan ee lagu taageerayo ciidamada dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira xoogagga Al-shabaab.
Wareysi uu dhawaan siiyay TV-ga dowladda ayuu Fiqi ku eedeeyay Sivuyile Thandikhaya Bam inuu mas’uul ka yahay Ku-simaha Madaxa Xafiiska Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya [AUSSOM], isagoo ku eedeeyay inuu khatar ku yahay horumarka dalka iyo inuu u xaglinayo Al-shabaab.
Dowladda Soomaaliya si rasmi ah ugama jawaabin hadalka Nagy, wasiir Fiqi ayaan weli war cad kasoo saarin arrintan.
Isweydaarsiga ayaa walaac ka muujinaya saameynta eedeymahan oo kale ay ku yeelan karaan xiriirka jilicsan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo saaxiibadeeda ammaanka ee caalamiga ah.