Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Congo iyo M23 oo ku heshiiyay nabad ay Qatar dhexdhexaadineyso

|

DOOXA (KAAB TV) – Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo fallaagada M23 ee ay Rwanda taageerto ayaa Arbacadii bayaan ay soo saareen ku ballanqaaday wadahadallo ay Qatar ku doonayeen inay nabadda ku raadiyaan ka dib rabshado ka qarxay bariga Congo bishii Janaayo, taasoo sare u qaadday cabsida laga qabo dagaal gobolka ka dhaca.

Heshiisku waxa uu kor u qaaday rajada laga qabo in xaaladdu xasisho. Dhinac walba wuxuu soo saaray bayaan gaar ah kadib markii ay wafdiyadoodu ka ambabaxeen dalka Qatar horaantii todobaadkan, kadib wadahadalo qaatay in ka badan todobaad.

“Labada dhinacba waxay xaqiijinayaan sida ay uga go’an tahay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka, diidaana hadal kasta oo naceyb ah, hanjabaad ah, waxayna ugu baaqayaan bulshada inay fuliyaan ballanqaadyadan,” ayaa lagu yiri bayaanka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in wada-hadalkooda uu ahaa mid hufan oo wax ku ool ah, balse ma cadda goorta wareeg kale oo wadahadal ah uu dhici doono.

Kooxda M23 ayaa qabsatay laba magaalo oo waaweyn oo ku yaal bariga Congo, iyadoo rabshadaha halkaa ka dhacay ay ku dhinteen kumannaan qof.

Wadahadallada nabadeed ee Qatar ay dhexdhexaadinayso ayaa imaanaya kadib markii dowladda Khaliijka ay fududeysay kulankii bishii hore dhex maray madaxweynaha Congo Felix Tshisekedi iyo madaxweynaha Rwanda Paul Kagame.

Labada hoggaamiye ayaa ku baaqay xabad joojin kulanka ka dib.

Kulankan ayaa u muuqda mid loogu gogol xaarayey wada hadal toos ah oo dhex mara Kongo iyo M23. Kongo ayaa muddo dheer diidaneed fikradda ah in ay la xaajooto M23, iyada oo kooxda ku tilmaantay koox argagixiso.

Rwanda ayaa dhankeeda in muddo ahba beeninaysay inay taageerto jabhadda M23.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News