SO | EN

SO | EN

Madaxweyne Laftagareen “Askariga geesiga ah ee furinta jooga iyo kan fuleyga ee Beydhabo jooga

|

Beydhabo (KAAB TV) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa booqday furimaha hore ee dagaalka, si uu ugu dhiirrigeliyo ciidamada qalabka sida ee dagaalka adag kula jira kooxda Alshabaab.

Sidoo kale, madaxweyne Lafatagareen ayaa kulan gaar ah la yeeshay saraakiisha hoggaanka ciidamada, isagoona ka dhageystay warbixino laxiriira ammniga, guulaha laga gaaray dagaalka, iyo caqabadaha jira, isagoo uga mahadceliyay Ciidamada geesinimada iyo naf-hurnimada ay u muujiyeen difaaca dalka.

Dhanka kale, booqashada Laftagareen ee Furimaha Dagaalka ayaa ah mid niyad-dhis ah oo muujineysa sida ay Dowladda Koonfur Galbeed uga go’an tahay Difaaca Dalka iyo Daryeelka Ciidamada Naftooda uhurey Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Sikastaba, deegaannada Koonfur Galbeed oo qeybo badan oo kamid Alshabaab maamulaan ,ayaa inta badan jirin howlgallo ka dhan ah kooxdaasi oo ka socda , marka laga reebo howlgallo qorsheysan oo mararka qaar dhaca.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News