SO | EN

SO | EN

Duqa Muqdisho oo amray in shirkadihii dhisay Wadddooyinkii Roobka burburiyeen inay dib u dhisaan

|

Muqdisho (KAAB TV) -Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa sheegay inay wadaan gargaar gaarsiinta dadka ku waxyeeloobay dhibaatadii ka dhalatay roobkii mudada saacadaha ka da’aayay magaalada Muqdisho.

Roobkii xalay ee sababay inay waddooyin badan oo dhowaan la dhisay ay ku burbureen ayuu Duqa magaalada Muqdisho waxa uu ku amray shirkadihii horey u dhisay waddooyinkaasi inay dib u dhisaan waliba kuwa tayo badan.

Waxa uu Guddoomiye Amiir uu xusay in goor dhow ay warbixin kasoo saari doonaan Maamulkiisa xaaladda degdeg ah ee ka dhalatay Roobabka ka da’ay Caasimadda.

“Roobabka mahiigaanka ah ee Xamar iyo agagaarkeeda ka da’ay waxaan xaaladaha ka dhashay ka qaadnay tallaabo kasta oo suuragal ah, Waxaana goordhow soo saari doonnaa warbixin la xariirta saameynta Roobka, sidoo kale gargaar deg deg ayaan gaarsiin doonaa dadkii ku waxyeellobay Roobka iyo daadadka ka dhashay” ayuu yiri Guddoomiye Amiir.

Sidoo kale Duqa Magaalada Muqdisho ayaa intaas ku sii daray in Dowladda Hoose ay wali howl adag ay ka wado maareynta saameynta roobka ka dhashay, waxaana uu xusay in Maamulkiisa diyaariyay Matoorro tuura biyaha iyo Booyado ka dhuuqa meelaha ay biyuhu fadhiisteen.

Dhinaca kale Tirada dadkii ku dhintay roobab saacado badan ka da’aayay magaalada Muqdisho ayaa korortay waxaana ay gaareen ilaa lix Qof sida aan kasoo xiganay maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Lixda Qof ayaa la sheegay inay iskugu jiraan kuwa biyaha qaadeen iyo kuwa Guryaha kula dumay intii roobka socday, waxaana ugu dambeeyay wiil 12 jir ah oo biyaha ay soo qaadeen oo meydkiisa laga soo saaray isgooyska Soobe oo biyuhu meel tog ah ay ka sameeysteen.

Degmada Xamar Jajab waxaa laga soo wariyay dhimashada laba Qof, Degmada Hodan 2 Qof, Degmada Warta Nabadda 1 Qof iyo Degmada Wadajir oo 1 Qof ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News