SO | EN

SO | EN

Koonfur Galbeed oo sheegtay in Muqdisho laga abaabulayo jabhad lagu duminaayo maamulkeeda

|

Baydhabo (KAAB TV) -Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa si kulul uga hadlay arrimo la xiriira Jabhad hubeysan uu sheegay in looga dhawaaqday Muqdisho oo la doonayo in lagu qalqal galiyo deegaanada Koonfur Galbeed.

Wasiir Maxamed Ibraahin Bilaal ayaa sheegay inuu maamulka Koonfur Galbeed marnaba aqbali doonin jabhad hubeysan oo si qarsoodi ah loo soo abaabulay in lagu dhibaateeyo shacabka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

“Soomaali waa ogtahay, anagane waan ognahay halka uu Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ka taagan yahay arrimaha Xisbiga iyo dowlad dhiska Soomaaliya iyo in la iska qaatay shirka wadatashiga qaranka in dalka uu aado doorasho qof iyo cod ah, balse koox Muqdisho joogta oo qas iyo fowdo abuureysa in naloo soo raro ma aqbali doono”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed Maxamed Ibraahin Bilaal.

Wuxuu sido kale tilmaamay Wasiirka in Koonfur Galbeed ay leedahay dowlad xooggan iyo shacab mideysan, islamarkaana loo baahan yahay in la ixtiraamo masuuliyadda iyo madax banaanida maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiir Bilaal ayaa xusay iney heleen xog rasmi ah oo muujinaysa in jabhad abaabulan lagu diyaariyay Muqdisho, islamarkaana la doonayo in si dhuumaaleysi ah loogu soo daabulo gudaha deegaanada Koonfur Galbeed.

“Waxaan si cad u sheegaynaa in Koonfur Galbeed aysan ogolaan doonin in cadowga  iskugu tagay ee doonaya ineu qalqal geliyaan nabadda iyo xasiloonida shacabka. Ciddii ku lug yeelata abaabulkaasi, waxay si toos ah u wajihi doontaa ciqaab sharci iyo mid ciidanba leh” ayuu yiri Wasiir Bilaal.

Ugu dambeyntii Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqday shacabka iney ka feejignaadaan abaabulada ka dhanka ah Koonfur Galbeed, islamarkaana ay la shaqeeyaan hay’adaha amaanka si loo helo xog kasta oo la xiriirta dhaqdhaqaaqyada ka dhanka maamulkaas.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News