SO | EN

SO | EN

Qaramada Midoobay oo niyad jab ka muujisay hakadka ku yimid dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya

|

Muqdisho (KAAB TV) -Khabiirka Madaxa Bannaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xaaladda xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya, Ms. Isha Dyfan, ayaa muujisay niyad jab iyo walaac ku saabsan in ilaa hadda aan wax tallaabo ah laga qaadin dib-u-eegista dastuurka tan iyo markii la ansixiyay afar cutub oo ka mid ah dastuurka sanadii hore.
Ms. Dyfan oo soo gabagabaysay safar ay ku tagay Soomaaliya, waxay ugu baaqday dowladda Soomaaliya in ay xoojiso ka qeybgalka dhammaan daneeyayaasha, dhisto is-afgarad guud, isla markaana dedejiso hanaanka dib-u-eegista dastuurka si loo xaqiijiyo in geeddi-socodka dastuurka uu noqdo mid loo dhan yahay, sharciyad leh, hufan oo lagu kalsoonaan karo.

Intaa waxaa dheer, Ms. Dyfan oo qiimeyn ku sameysay arrimaha dhanka xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya, xilli dalka uu ku jiro kala-guur siyaasadeed oo heer Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ah, ayaa tilmaantay in xaaladaha gudaha ee siyaasadda, ammaanka iyo bani’aadannimada ay si degdeg ah isu beddelayaan, taas oo si toos ah u saameyneysa helitaanka iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha ee dalka.

Waxay si adag u cambaareysay Al-Shabaab, oo ay sheegtay in ay weli tahay dambiile weyn oo geysta tacaddiyo kala duwan oo ka dhan ah dadka rayidka ah, oo ay ku jiraan carruurta, isla markaana mas’uul ka ah sii hurinta iyo joogtaynta qalalaasaha amni ee dalka.

Waxay sidoo kale sheegtay in iska horimaadyada ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Jubaland ay sare u qaadeen xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo walaacyada ilaalinta dadka rayidka ah, oo ay ka mid yihiin tacaddiyada jinsiga iyo ku saleysan jinsiga (SGBV), qorista askaraynta carruurta, iyo guurka degdegga ah ee carruurta.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News