SO | EN

SO | EN

Guddoomiyaha Balanbale oo diiday xil ka qaadistiisa

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Guddoomiyaha degmada Balanbale Cabdicsiis Xaashi ayaa diiday xil ka qaadis ay dhowaan sameeyeen xubnaha golaha deegaanka ee degmadaasi.

Golaha deegaanka ayaa ku eedeeyay guddoomiye Cabdicasiis Xaashi inuu xilkiisa gudan waayay, iyo inuu ku kacay falal ka dhan ah xeerka golaha deegaanka.

Guddoomiye Cabdicasiis Xaashi ayaa wareysi uu siiyay Kaab TV u sheegay inay tito yar oo ka tirsan golaha deegaanka ku keceen wax uu ku tilmaamay “fawdo” balse uu weli gudanaayo shaqadiisa.

“Shaqadii si caadi ayay u socotaa. Ma jirto cid xil iga qaaday,” ayuu yiri Cabdicasiis Xaashi.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug ay si wanaagsan ula shaqeyneyso maamulkiisa.

Wararka ka imaanaya deegaanka Balanbale ayaa sheegaya inuu muddo jiray khilaaf u dhexeeya qaar ka mid ah xubnaha maamulka deegaanka iyo guddoomiye Cabdicasiis Xaashi.

Maamulka golaha deegaanka Balanbale ayaa ka mid ah golayaasha deegaanka oo ay horey u dhistay wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News