Muqdisho (KAAB TV) -Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulankiisa todobaadlaha ah ku yeeshay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa.
Kulanka waxaa shir gudoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xubnaha Guddiga Joogtada warbixin ka siiyay shaqooyinka Golaha horutebinta u leh inta ka harsan kalfadhiga lixaad, waxaana intaasi ka dib guddoomiyaasha guddiyada laga dhageystay warbixino ku saabsan shuruucda hortaala iyo habraacyada u harsan Baarlamaanka.
Ugu danbayn waxaa kulanka soo xiray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), isaga oo kula dardaarmay xubnaha Guddiga Joogtada in la dardargeliyo shaqada Golaha Shacabka.