SO | EN

SO | EN

Shaki laga muujinayo qabsoomidda shirka Doxa ee loogu talagalay dhaqaale ururinta howlgalka AUSSOM

|

DOXA (KAAB TV) -Waxaa jira cabsi laga qabo in uu baaqdo shir heer sare ah oo lagu ballansan yahay in lagu qabto magaalada Doha ee dalka Qatar dhammaadka bishan May, kaas oo looga golleeyahay in lagu helo maalgelin cusub oo lagu xoojiyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Shirkan oo markii hore la qorsheeyay inuu dhaco dhammaadkii bisha Abriil ayaa dib loo dhigay, iyadoo aan illaa hadda la shaacin taariikh rasmi ah oo la qabanayo.

Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in ay jirto hubanti la’aan weli taagan, taas oo keeni karta in shirka uusan qabsoomin ama haddii uu dhaco, in uusan soo saari doonin natiijo dhaqaale oo waarta oo lagu sii wadi karo howlgalka AUSSOM.

Midowga Afrika ayaa wajahaya culaysyo maaliyadeed tan iyo intii uu bilaabmay howlgalka AUSSOM, taas oo saameyn ku yeelatay waxqabadka ciidamada iyo sumcadda howlgalka guud ahaan.

Falanqeeyayaasha ayaa muujinaya in kaliya joogitaanka ciidamada ajaanibta uusan ku filnayn sugidda nabadda Soomaaliya, balse loo baahan yahay isbeddel siyaasadeed oo gudaha ah oo lagu dhiso hannaan dowladeed oo midaysan.

Warar diblomaasiyadeed ayaa iftiiminaya in ismaandhaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada uu yahay caqabad weyn oo hor istaagaysa xalka siyaasadeed iyo mid amni ee Soomaaliya.

Dhawaan ayay ahayd, markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku guuldareystay inuu waqtigii uu horey u dejiyay — 15-ka May — ku ansixiyo qaraar cusub oo maalgelin ah oo quseeya howlgalka AUSSOM. Dib u dhacaasi wuxuu mugdi weyn ku sii reebay mustaqbalka howlgalka, iyadoo ay jirto xaalad dhaqaale oo adag iyo amni darro oo weli ka jirta gudaha Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News