Muqdisho (KAAB TV) -Markabka sahminta shidaalka ee Oruç Reis oo muddo sagaal bilood ah ka waday hawlo baaris xeebaha Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga ambabaxay dekadda Muqdisho, isagoo dib ugu laabtay dalka Turkiga.
Munaasabad sagootin ah oo ka dhacday dekadda Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin sare oo uu hoggaaminayay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya.
Markabka Oruç Reis ayaa si rasmi ah u soo gaba-gabeeyay sahminta shidaalka ee uu ka waday xeebaha dalka, iyadoo dowladda Soomaaliya sheegtay in baaritaannadaasi laga helay natiijo wanaagsan lana helay ceelal shidaal.
Sida ay sheegtay dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa haatan la guda geli doonaa wejiga labaad ee mashruuca, kaas oo ah soo saarista shidaalka.
Dadka Soomaaliyeed ayaa sugaya in ay arkaan Shidaalka dalka oo la soo saaray, si loo helo shaqo abuur, loogana faa’iideysto kheyraadka dalka.