SO | EN

SO | EN

Fadhigii Golaha Shacabka oo maanta u baaqday Kooram la’aan darteed

|

Muqdisho (KAAB TV ) – Kulankii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u baaqday kooram la’aan darteed, kadib markii fadhiga ay soo xaadireen ilaa 87 mudane oo kaliya.

Fadhiga Golaha Shacabka ayaa si rasmi ah  furmi lahaa ugu yaraan iney soo xaadiraan 139 Xildhibaan kulankaan baaqashadiisa ayaana kusoo aadeysa, iyadoo Xildhibaanada uga soo laabteen fasaxii maalmaha dabaal dega Ciida Carafo.

Kulanka Golaha Shacabka ayaa maanta lagu waday iney ku gudagalaan hawlahooda dastuuriga ah ee lagu hagayo maamulka iyo xeer dejinta dalka, waxaana xusid mudan in Goluhu ay horyaalaan ajandayaal muhiim ah oo ay ka mid yihiin, dhaarinta laba xildhibaan oo cusub, codanyta axdiga Africa ee xuquuqda iyo baraaraha caruuurta iyo ajandayaal kale.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News