MUQDISHO (Kaab TV) – Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay kulan bulsho oo looga dooday dhibaatada tahriibka, iyadoo bilihii lasoo dhaafay uu sare u kacay firxadka dhallinyarada dalka ka tagaysa ee aadeysa dibadaha iyagoo maraya waddooyin halis badan.
Madashan oo ay soo qabanqaabiyeen dhallinyarada gudaha ayaa looga dooday sida loo joojin karo halista ay wajahayaan dhallinyarada dalka ka tahriibeysa, iyadoo arrimaha waaweyn ee laga hadlay ay ka mid ahaayeen shaqo la’aanta, amni darrida, iyo duruufaha dhaqaale oo dhallinyaro badan ku qasbeysa inay dalka ka qaxaan oo ay dibadaha miciin bidaan.
Hase ahaatee qaar ka mid ah dhallinyaradii ka hadashay madasha ayaa iyaguna sheegay in dhallinta maanta aysan qabin dareen dal jacayl, taasina ay tahay dhibaato dhanka ababinta jiilasha yar yar heysata ay tahay.
Waxaa dowladda lagu dhaliilay inay ku fashilantay sidii ay dhallinyarada ugu sameyn lahayd fursado ka caawin kara inay hawlaha dalkooda ka qeyb galaan, oo ay dalkooda iimaansadaan.

