Nairobi (Kaab TV) – Qeybo ka mid ah caasimadda Suudaan waxaa la wareegay ciidamada jabhadda RSF (Rapid Support Forces) oo dagaal kula jira ciidamada militariga Sudan (Sudan Armed Forces), sida ay sheegeen dadka ku haray magaalada.
Dadka rayidka ah ee haray ayaa ku jira xaalad taxaddar leh, iyadoo wada-hadallo lagu dhameynayo dagaalka, oo soo billowday ku dhawaad laba toddobaad ka hor, aan horumar laga gaarin.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalyahanada RSF ay u muuqdeen kuwo gacanta ku haya inta badan bartamaha magaalada Khartoum iyo degmooyinka ku xeeran, iyo sidoo kale qeybo kamid ah magaalada Omdurman.
Dadka waxay sheegayaan inay sii marayaan dagaalyahannada oo jidgooyooyin fadhiya magaalada dhexdeeda. Dagaalyahannada RSF qaarkood ayaa u guuray guryo cidlo ah.
Milatariga Sudan ayaa meel fog ka jooga. Militariga waxay maamulaan meelaha laga soo galo iyo baraha looga baxo Khartoum waxayna adeegsadaan diyaarado dagaal si ay u beegsadaan xarumaha RSF.
Xabbad joojinta oo la kordhiyay
Xoogaga RSF ayaa sheegay in ay ogolaadeen in xabad joojinta socotay in lagu kordhiyo saddex maalmood.
Horey waxay milatariga Sudan u aqbaleen kordhinta xabbad joojinta. Xabbad joojinta iyo kordhinteeda waxaa ka shaqeeyay Maraykanka iyo Sucuudiga.
Xabbad-joojintii jirtay, oo ku ekayd saqdii dhexe ee Khamiista, ma joojin dagaalka u dhexeeya labada dhinac, balse waxay abuurtay in tobannaan kun oo reer Sudan ah ay u qaxaan goobo ammaan ah iyo in dalal shisheeye ay boqollaal muwaadiniintooda ah dhulka iyo badda uga soo daad gureeyaan.
Aqalka Cad ayaa ku booriyay muwaadiniinta Mareykanka inay ka baxaan Sudan 48-da saacadood ee soo socda “sababtoo ah xaaladdu way ka sii dari kartaa daqiiqad kasta.”
“Xaaladda Sudan waxay ka sii dari kartaa wakhti kasta, dadka Maraykankuna waa inay ku baxaan 24 ilaa 48 saacadood gudahood,” afhayeenka Aqalka Cad, Karine Jean-Pierre ayaa tiri.
In ka badan 3,500 oo qof oo gaaray Itoobiya
In ka badan 3,500 oo qof oo ay ku jiraan boqolaal muwaadiniin Turki ah ayaa gaaray dalka Itoobiya ka dib markii ay ka soo carareen dagaallada culus ee ka socda Sudan, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan hay’adda socdaalka adduunka ee Qaramada Midoobay.
Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in rabshaduhu ay ku qasbi karaan dad gaaraya 270,000 oo qof inay magangalyo u galaan dalalka deriska ah ee Koonfurta Sudan iyo Chad, halka qaar kalena ay u qaxeen Masar iyo Itoobiya.

