GAROWE (Kaab TV) – Soddon iyo toddoba sano ka hor waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay shil baabuur oo sababay dhimashada hal nin.
Hase ahaatee shilkaasi wuxuu sababay aano qabiil oo daba dheeraatay taas oo soo gaartay illaa maanta.
Colaad ka dhalatay aanadaas ayaa sababtay in labada beelood ee Kaskii Qabe iyo Reer Cumar ee Majeertaan ay geel kala dhacaa, iyadoo aanada qabiil ay si daran u saameyay xiriirka qoysas badan iyo nolosha dadka reer miyiga oo aan colaadda lug ku lahayn.
Isku dayo badan iyo gar maqallo ay yeesheen labada beelood ayaa horey u socon waayay.
Waxaa shalay oo Arbaco ahayd duleedka magaalada Garowe lagu soo afmeeray colaaddaas iyadoo diyada ninkii ku dhintay shilka baabuur.
Ganacsade Jaamac Dhaga Dheere ayaa sheegay in culimada Garowe oo ay labada dhinac u gar dhigteen ay go’aamiyeen in beesha Kaskii Qabe la siiyo diyada ninka ka dhintay, taas oo lagu xukumay 55 neef oo geel ah oo ah diyo la qafiifiyay.
Xukunkan ayaa la sheegay in la gaaray 10 bilood ka hor.
Maamulka gobolka Nugaal ee Puntland iyo mas’uuliyiin ka socda dhanka ammaanka ayaa ka qeyb galay kulankan oo labada dhinac ay ku dhawaaqeen dhameynta colaadda.
Colaadaha dhexmara beelaha Soomaalida oo aalaaba salka ku haya dilal ama dhac hanti ayaa qaata muddo dheer, waxaana mararka qaar dhaca colaado dad badan ku dhintaan oo ka dhasha colaadda.
In kasta oo Soomaaliya ay 30 sano ka badan ku jirto xasilooni la’aan iyo dowlad burbur, haddana, mar walba waxay caqabad ka jirtaa dub u heshiisiinta oo yar iyo maqnaanshaha kaalinta hay’adaha garsoorka.
Waxaana sida haddaba duleedka Garowe ka dhacday uu xalku noqdaa in hannanka culimada diinta ama odayaal beeleedka lagu raadiyo xal halkii maxkamadaha iyo garsoorka ay xalka keeni lahaayeen.

