Khartoum (Kaab TV) –Ayadoo wali dagaalo ay kasocdaan dalka Sudan ayaa waxaa iska soo daba dhacaya baaqyo nabadeed oo ku aadan dhinacyada kudagaalamaya Suudan.
Koonfurta Suudan, UN iyo Ethiopia ayaa kusoo biiray R/wasaaraha itoobiya ayaa waxa uu door dhex-dhexaadin ah kaqaadanayaa qalalasaaha kataagan Suudaan.
Asagoo kulug lahaanshiyaha Addis Ababa, R/wasaare Abiy Axmed ayaa bartiisa twitter-ka kusoo qoray in uu wadahadalka dhanka taleefanka layeeshay labada Jeneraal ee kudagaalamaya Suudaan, asagoona kudhiiri galiyay in ay joojiyaan colaada.
Xabad joojintii hore ayaa waxa ay sababtay barakaca kumanaan qof in ay isaga qaxaan Suudan halka dalal badana ay isku dayeen in ay muwaadiniintooda kala baxaan.
Muddo kordhin kale oo 72-saacadood aya daba socotay dadaalo diblomaasiyadeed oo ay sameeyeen dalalka dariska la ah Suudaan iyo sidoo kale Mareykanka, UK iyo Qaramada Midoobey.
Balse waxaa lasoo warinaaya in uu dagaal culus uu kasocdo Caasimada dalka Suudaan ee Khartoum.
Dadka uu saameeyay dagaalka oo barakacay waxaa kamid ah Arday wax kubaraneysay Suudaan kuwaas oo ay gurmad ufidi yeen Jaaliyada Soomaaliyeed ee kunool magaalada Jubba ee dalka koonfurta Suudaan.

