Hargeysa (KAAB TV) – Booliiska Somaliland ayaa sheegay in aan weli la qaban ninka loo haysto in uu habeenkii Axadda laba dhallinyaro ah ku dilay magaalada Hargeysa, balse ay ku daba jiraan.
Dhallinyarada la dilay oo lagu kala magacaabi jiray Khadar Ibraahim Maxamed, 23 jir ah, iyo Suldaan Axmed Cabdillaahi, 22 jir ah, ayay booliisku sheegeen in baadhitaan lagu hayo kiiskooda, sida uu sheegay Hoggaanka Hawlgalinta Booliiska, Sareeye Guuto Ibraahim Cabdi Xaaji.
“Labada marxuum wuxuu ku toogtay bas ay saarnaayeen, xabbado toos ah oo bastoolad ah, labadaba madaxa ayay kaga dhaceen. Ilaa hadda ciidanku baadhitaan ayey wadaan. Waxaa jira dad loo soo qabqabtay iyo raadad kale oo la daba socdo,” ayuu yidhi Sareeye Guuto Ibraahim.
Wuxuu sidoo kale sheegay in dilku dhacay xilli salaadda Cishaa’i lagu jiro, iyadoo masaajidada lagu jiray, islamarkaana uu ahaa dil qorshaysan taasoo ilaa hadda adkaysay in si rasmi ah loo aqoonsado gacan-ku-dhiiglaha.

